Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay wasiirkii dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriill .
Aaska wasiirka ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda ugu saraysa dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kuxigeenkiisa, Xidhibaano katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin Aqoonyahano, Culi,maaudiin, iyo dadweyne farabadan oo qayb galay Aaska wasiir Xoosh.
Wasiirka dastuurka ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay waxa uu ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta.
Allaha unaxariistee wasiirka ayaa ku howlanaa dadaalo lagu dar dargalinayo dhamaystirka dastuurka qabyada ah ee dalka Soomaaliya .
COMMENTS