Axad, Ogoosto 02, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madasha xuska 1-da agoost ee xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada ka soo jeediyey khudbad xiiso leh dhinacyo badana taabanaysay waxaana uu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in Puntland la dhiso ay faa\’iido weyn u aheyd guud ahaan umadda Soomaaliyeed, dadbadana ay u soo qaxeen dhulkaan iyagoona helay deganaansho iyo soo dhaweyn wanaagsan oo aysan ka heli laheyn meelkale.
Dhagayso
COMMENTS