Australia oo Al-shabaab Mar kale Durtay liiska Argagaxisada

Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (Daljir) —  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federalka Australia. George Brandis ayaa soo saaray Qoraal uu ku sheegay inay Kooxo Islaamiyiin hubeysan mar kale ku dareen Liiska Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Australia, waxa uu sheegay inay Liiskaasi ku sii nagana doonaan shan kooxo Islaamiyiin hubeysan ah, kuwaasi oo uu ku sheegay inay khatar toos ah iyo mid dadban ku hayaan amamanka Australia.

Shabakadda Wararka ee 9news.co.au ayaa ka soo xigatay Mas’uulkaasi magacyadda Kooxaha Islaamiyiinta ee ay mar kale ku qoreen Liiska ay dalalka Reer Galbeedka ku qoraan waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.

Kooxahaasi oo tiradoodu dhan tahay shan koox, ayaa lagu kala sheegay Xarakadda Alshabaab Somalia, Jabhadda PKK ee la dagaalanta Dowladda Turkiga,  Kooxda Lashkar-e-Tayiba ee ka hawlgasha inta badan dalka Pakistan iyo Garabyadda hubeysan ee Guutadda All-qasaam iyo Islamic Jihaad ee ka hawlgala Dhulalka Falastiin.

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federalka Australia. George Brandis waxa uu ku micneeyey inay Kooxahaasi mar kale ku daraan Liiska Madow ayaa sheegay inay yihiin Kooxo weli sii wada, qorsheeya, taageera, kordhiya, una dooda waxa uu ugu yeeray Falalka Argagixisadda, waa sida uu hadlak u dhigay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com