Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markale ka hadlay arrimaha mushaaraadka ciidamada xilli boqolaal ciidamo ah ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ugaga sugnaayeen deegaano kamid ah gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.
Kheyre oo maanta ka hadlay salaada jimce kadib ayaa sheegay in ay dowladu ay ku siineyso mushaarkiisa askariga diiwaangashan meeshii lagu diiwaangeliyay.
“Askari walba waa inuu joogaa meeshii lagu diiwaangeliyay lacagtana ay dowladu ku siiso oo aysan jirin cid kale oo idiin dhexeyneysa mushaarka iyo raashinkaagana aan kuguu soo shubeyno accounkaaga.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku tilmaamay waxa la isku haysto inay tahay in la doonayo in dad kale ay qaadaan mushaaraadka ciidamada taasina uusan yeeleyn inta uu xilka hayo.
Kheyre ayaa isweydiiyay sababta ay ciidamadu u gadoodi waayeen ama u kala tegi waayeen sanadihii hore.
“Kuwaa waxay leeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin maxay u kala tegi waayeen xilli ay ka maqneyd sagaal bilood iyo muddo sanad ah aysan mushaar qaadan.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
“Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin,laakiin anaa runta idiin sheegaa, ciidanka in la saxo qasab waaye,culumaday qasab ku tahay,siyaasiyintay qasab ku tahay.”ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaare Kheyre hadalkiisa.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay madaxda dalka ay go’aano adag gaarayaan si dalka dhibaato looga saaro. Hase yeeshee ma xusin go’aanada adag oo ay dowladu qaadaysu waxa ay noqon karaan.
Warkan ka soo baxay ra’iisul wasaare Kheyre ayaa u muuqda mid fariin loogu dirayo ciidamada gadoodsan ee jooga duleedka magaalada Balcad taasoo ah inay dib ugu laabtaan xarumahooda si ay u helaan mushaaraadka ka maqan.
COMMENTS
DOWLADA HADII AYAN BEEN ABUURANAYN
CIIDAMADU MAXAA LOOGU DIRAY WASIIRADA IYO LACAGAHA JAWAANKA KU
XERAYSAN TAN XIGTA HADII AANAN CIIDAN AHAYN MAXAA NAXDINTA IYO
CABAADKA KEENEY ( WAXAAN TALO AHAAN U SOO JEEDINAYAA IN NINKA LAYIRAAHDO JENERAL INDHO QARSHE
HADALKA UU YIRI EE AHAA ASKARIGU
WUXUU U DHAARTAY ASKARINIMO WADANKA IN UU DIFAACO. BAL MA AHA IN UU DIFAACA KU GAAJOODO INDHO QARSHOW WAAN ISNAQAAN CIIDANKII
SOOMALIYA ARTLIRIITE LA KOBCIYAAD AHAYN SIYAAD IYO CALI SAMATAR HOOSTA KU HAYSTAAN ASKARTII AAD TIIRADA QALOOCAN KA CAAWINAYSEYNA
QAAD KAMIDAAN QORIGA UU RIDAYANA
AAN AWOODI KARAYNIN IN XAJIYO GAAJO IYO DHIBTA KA HAYSAA CARUURTIISII IYO WALIDKII IYO NAFTIISABA MARKAA NA AHA ASKARIGA SOOMAALIGA UU QATANAADO DADNA SO WAXASHNIMO AH U DHERGAAN DOORASHOOYIN IYO SPEESO PLUTIKO
DHAQAALIHII WADANKA LOO CUNO
LASOCO MAANTA SHALAY MA AHA BERINA SO DHABAY UGA BADELNAAN DOONTAA