Safaaraddii Israel ee Qaahir oo Dib loo Furay

Khamiis, September 10, 2015 (Daljir) — Israel ayaa dib ufurtay safaaradii ay ku lahayd magaalada Qaahira kadib  muda 4 sano ah oo ay xidhnayd.Safaarada ayaa albaabada loo laabay sanadkii 2012-kii kadib markii muwaadiniin ka gadoodsan askar Masaari ah oo xuduudka lagu laayey ay gudaha u galeen safaarada, taasoo sababtay in shaqaalihii safaarada loo daadgureeyo Israel.

Masar iyo Israel ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday sanadkii 1979-kii, wuxuuna xidhiidhkoodu sii xoogaystay kadib markii militariga dalku uu afgambiyay madaxweynihii shacabku doortay ee Maxamed Morsi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com