QM oo ka haddashay xaladda dalka Suudan

QM oo ka haddashay xaladda dalka Suudan

Madaxa Qaramada Midoobey ee Xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta dalka Suudaan inay xabsiyada kasii daayaan dadkii la xiray iyagoo si nabad ah dibadbaxyada uga qeyb qaadanayo.

Michelle Bachelet ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha looga baahan yahay inay baaraan awood xad dhaafka aheyd ee loo adeegsaday dibadbaxyaasha si gacanta loogu dhigo dadka ka dambeeyay dhibaatadaasi.

“Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan Suudaan” ayay tiri Bachelet.

Kumanaan dibadbaxyaal ah ayaa weli ku sugan agagaarka dhismaha wasaaradda gaashaandhigga Suudaan, waxaa ay kasoo horjeedaan xukunka militari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com