RW ku xigeenka DFS oo Fariin u diray Wasiirka Tamarta

RW ku xigeenka DFS oo Fariin u diray Wasiirka Tamarta

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, dardar-gelinta qorshayaasha wasaaradda si loogu guulaysto hadafyada waawayn ee dawladdu ka leedahay horumarinta dalka.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa cadeeyay in biyuhu ay yihiin furaha waraabka, daaqsinta, dhismaha iyo qurxinta dalka, ayna muhiim u tahay in si wanaagsan loo maamulo biyaha dalka, si looga faa’iidaysto, waxaa kale oo intaa uu raaciyay in tamartuna ay halbowle u tahay dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxa uu maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Tamarta iyo biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, iyo ku-simihii wasaaradda, ahna wasiir ku-xigeen, Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com