(Akhriso) Qadar oo 480 doolar ugu deeqaysa Falstiiniyiinta Daanta Galbeed

(Akhriso) Qadar oo 480 doolar ugu deeqaysa  Falstiiniyiinta  Daanta Galbeed

Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ay u direyso dadka reer Falastiin lacago doolar ah oo gaaraya 480 milyan,gaar ahaan dadka ku sugan deegaanka Daanta Galbeed ee ay heystaan ciidamada Isra’il iyo Marinka Gasa ee ku jira xaalad go’doon ah.

180 milyan ayaa sidoo kale loo qorsheeyay habka gargaarka degdegga ah ee xagga bini’aadanimada ,gaar ahaan barnaamijyada samofalka iyo kuwa Korontada ee ay wadaan Qaramada Midoobay.

Sadexdii cisho ee u dambeysay waxaa jiray duqeymo lala beegsaday Marinka Gasa iyo Koonfurta Isra’il ,kuwaas oo galaaftay nolosha 25-ruux oo Falastiiniyiin ah iyo 4- Yahuud ah.

Maalinimadii shalay Isra’il iyo Falastiin waxa ay gaareen heshiid xabad-joojin ah oo ay soo qaban qaabiyeen Masar iyo Qadar,waxaana caawiyay Qaramada Midoobay,.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com