Shirkii Garoowe oo fashil ku dhamaaday.

Shirkii Garoowe oo fashil ku dhamaaday.

Shirkii madaxda dawlad goboleedyada iyo dawlada dhexe uga socdo magaalada Garoowe ayaa fashil kusoo idlaaday kadib markii shalay lagu kala kacay.

Dhinacyada ayaa ku heshiin waayey qodobabada miiska saaraa sida, qaybsiga khayraadka dalka, ka wada tashiga xeerarka masiiriga ah ee dalka loo ansixinayo, nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020 iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo waftigiisii ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garoowe. halka Madaxweynaha Galmudug uu safar dhulka ah kaga baxayo maanta Garoowe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in shirkii fashil kusoo dhamaaday.

Wixii faahfaahin oo dheeraad ah kala soco wararkayaga danbe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com