Xaaji Cabdi Waraabe: Wareysi isugu jira taariikh-warran iyo waayihiisii nololeed (dhegayso)

Xaaji Cabdi Waraabe: Wareysi isugu jira taariikh-warran iyo waayihiisii nololeed (dhegayso)

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ‘Waraabe’ wuxuu kamid ah muddo dheer golaha guurtida Somaliland, wuxuuna ahaa ninka ugu da’daweyn, Alle ha u naxariistee. 10kii bishaan May ee 2019 ayuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa, 11kiina aas-qaran ayaa loogu sameeyey islama magaalada Hargeysa.

Xaaji Cabdi Waraabe, wuxuu ahaa nin aad u da’weyn, jirayna wax ka badan 100 sano, waxaana uu lahaa taariikh dheer oo dhaqan iyo guurtinimo, isagoo ahaa waayo badan caa’il dhaqan.

Haddaba sannadkii 2012kii ayay Radio Daljir u suuragashay in ay wareysi la yeelato Alle ha u naxariistee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ‘Xaaji Waraabe’ wareysigaasi oo uu ka qaaday Aadan Shardi Axmed.

Waraabe wuxuu nooga warramay arrimo badan oo ay ugu horrayso wuxuu kula baxay magaca Waraabe, waayihihiisii nololeed, taariikhdiisii dhaqan iyo dhaqasho dad iyo duunyaba, wuxuuna marka hore Aadan Shardi waydiiyey sababtii uu ugu maxay magaca Waraabe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com