Somalia, November 14, 2015 (Daljir) —Baliiska dalka Faransiiska ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay.
05:50 SGA: Seddax kamid ah dablayda way is qarxiyeen halka midka afaraadna la toogtay
05:20 SGA: Booliska waxa uu sheegay in dhamaan raggii ku lug lahaa qaraxyada iyo rasaasyanta ay dhinteen.
04:20 SGA: Belgium waxay sheegtay in ay adkaysay xadkeeda kadib weerarka Paris.
04:07 SGA: 1,500 oo askeri ayaa la geeyay caasimadda Paris kadib weerara sababay dhimashada in ka badan 100 qof.
04:03 SGA: Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhamaan iskuulada iyo jaamacadaha Paris la xiri doono barito.
Illaa iyo hadda waxaan oghnahay:
· Ugu yaraan140 qof ayaa lagu dilay weeraro lo adeegsaday rasaas iyo qarxyo ka dhacay dhowr meelood oo caasimadda Paris ah
· 100 qof oo ka mid ah dadkaasi waxa ay ay ku dhinteen goobta acwayska Bataclan.
· Weerarada kale waxa ay ka dhaceen garoonka kubadda cagta ee Paris iyo muqaayad ku taalo waqooyiga Paris
· Faransiiska waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah, xaduudaha dalkane waa la xiray.
· Dadweynaha Paris waxaa loo sheegay inaysan guryahooda ka bixin.
03:49 SGA: Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha Maraykanka ayaa dib u dhigay duulimadyadii ay ku tagi lahaayeen Paris.
03:37 SGA: Tirada dhimashada ee illaa iyo hadda la ogyahay waa 140 qof. Goobta cawayska ee Bataclan oo kali ah 100 qof ayaa ku dhimatay, halka 40-ka kalena ay ku dhinteen goobo kala duwan.
03:30 SGA: Weriye ka tirsan BBC-da oo joogto agagaarka goobta cawayska ee Bataclan ayaa sheegtay in haddii la xaqiijiyo in 100 qof ay ku dhinteen goobtaasii oo kali ah ay noqon doonto xaqiiqo kharaar oo Faransiiska u baahnyahay in uu liqo.
03:20 SGA: Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in 100 qof ay ku dhinteen goobta cawayska Bataclan oo dablay hubaysan ay dad afduub ugu haysteen- Reuters.
03:19 SGA: Madaxweyne Hollande ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Turkiga si uu uga qaybqaato kullan madaxeedka G20.
03.14 SGA: TV laga leehay Faransiiska BFM TV ayaa ku waramay in baliiska howlgalada gaarka ah ay dileen 2 kamid ah dablaydii dadka afduubka ugu haystay goobta cawayska ee Bataclan. Faahfaahin intaa dheer lama sheegin.
03:10 SGA: Masuuliyiinta Maraykanka waxa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in weerada Paris ay yihiin kuwa la soo agaasimay
03:05 SGA: Booliska waxa uu sheegay in uu soo idlaaday howlgal ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan dadkii lagu haystay Bataclan-Reuters
02: 55 SGA: Baliis dheeraad ah ayaa gaaray Bataclan oo illaa 100 afduub loogu haysto
Image copyright AFP
02:50 SGA: Weerarka ugu wayn waxa uu ka dhacay xarunta Bataclan oo markaasi lagu daawanayay riwaayad.
02:44 SGA : Obama waxa uu sheegay in weeraradaasi looga gol leehay in lagu argagixiyo dadka rayidka ah.
02:41 SGA: Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta lagu caweeya ee Bataclan ayaa BBC-da u sheegay in rag hubaysan oo ku qaylinaya ”Allaahu Akbar” ay soo galeen dhismaha. wuxuu sheegay in uu arkay maydadka 15 qof.
02:40 GSA: Dadweeynaha Paris waxaa loogu baaqay in ay guryahooda ka soo bixin.
02:37GSA: Baliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay isqarxisay. Waxaana bambaano lagu tuuray garoonka cayaaraha Paris oo ay markaasi ka socotay cayaar saaxiibtinomo oo dhaxmaraysay kooxaha qaranka Farnsiiska iyo Jarmalka.
02:33 SGA: Qaraxyo dheeraad ah ayaa laga maqlayaa mid kamdi ah goobaha la weeraray Bataclan oo illaa 100 qof ala aaminsanyahay in afduub loogu haysto.
02:30 SGA: Madaxweynaha dalka Faransiiska Hollande ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiray xaduudaha dalka Faransiiska.
02:20 SGA: Rasaas iyo qarxyo ayaa ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Paris.
X. BBC
COMMENTS