Xabsiga degmada Garowe oo lagu wareejiyay Qalab Farsamo

Somalia, November 17, 2015 (Daljir) — Wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta dowladda Puntland taliyaha ciidamada Asluubta Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa xabsiga weyn ee magaalada Garoowe kaga qaybgalay munaasabad makiinadaha farsamada gacanta loogu wareejinayey xabsiga.

Makiinadahaan lagu wareejiyey xabsiga ayaa waxa ka koobnaayeen 12 makiinadood oo nooca dharka ah, makiinad bulukeeti iyo sidoo kale nooca farsamada ah, waxaana keentay jimciyadda Khayriga ah ee Shariqa Al-khayriya oo ka howlgasha Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta ee Dawladda Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac iyo Taliyada Ciidanka asluubta ee Puntland Janaraal Cali Nuur Cumar oo lahadlay warbaahinta ayaa soodhoweeyey qalabkaan la gudoonsiiyey saldhiga dhexe oo loogu talagalay inay ka qaybqaataan horumarka maxaabiista.

Xabsigaan weyn ee magaalada Garoowe oo lagu wareejiyey qalabka ayaa kamid ah xabsiyada ugu waaweyn guud ahaan geeska Afrika, waxaana inta badan waqtigooda ku qaata maxaabiista lagu xukumo falalka kala duwan gaar ahaan burcad badeeda.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com