Madaxweynaha Jubbaland oo Garowe kula kulmay Madaxwenaha Puntland

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa goor dhawayd soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxda Puntland.

Socdaalka Madoobe ee Garowe ayaa salka ku hayao sidii Jubbaland uga qayb qaadan lahayd joojinta xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas iyo madaxwayne Axmed Madoobe ayaa hadda shir uga socdaa xarunta madaxtooyadda ee Garowe, waxana laga wadda arrin sanayaa sidii daris wanaaga iyo nabadda looga wada shaqayn lahaa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in mamulkiisa uu ka qayb-qaadan doono xalinta khilaafkan ,waxaana uu ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara colaadaha gobolka Mudug

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com