Somalia, December 02, 2015-(Daljir)_ Dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in la wada xiro Kaawooyinka Dhagaxa ee Mandera sababo dhinaca Ammaanka.
Â
Taliyaha Boliska Mandera, Job Boronjo ayaa ka codsaday Xoogsatadda Kaawooyinka inay joojiyaan shaqada ilaa bilowga sannadka soo socda, wuxuuna xusay inay u baahan yihiin Waqti ay ku maamulaan Ciiddanka Ammaanka iyo in ay Kooxda Ammaanka ugu suurto-gasho inay soo booqdaan Qoysaskooda, waa sida uu hadalka u yiri.
Â
Taliyaha waxa uu tilmaamay inay Xoogsatada Kaawooyinka u nugul yihiin inay la kulmaan Weeraradda Alshabaab ee xilli kasta la filan karo.
Â
In ka badan 500 Xoogsato ayaa ka shaqeysta Kaawooyinka Dhagaxa ee Koromeey ee duleedka Mandera ee W/bari Kenya.
Â
Bishii December 2-dii ee Sannadkii hore, weerar ay Alshabaab ku qaadeen Deegaankaasi waxaa lagu dilay 36 Shaqaale Kenyan aan Muslim ahayn.
COMMENTS