Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Md Ali Gudlaawe Hussein ayaa Xarunta Madaxtooyada Kulan kula qaatay Saraakiisha Sar Sare ee Ciidamada Amisom Sector-kooda 5aad.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu Madaxtooyad Hir-Shabelle ee Magalada Jowhar waxaa uu kulan kula qaatay saraakiisha Ciidamada AMISOM Sector-kooda 5aad.
Kulanka ayaa ayaa looga hadlay sidii howlgal Qorsheysan oo mid ah loogu qaadi lahaa Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab eek u sugan deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa leyskula soo hadal qaaday howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
COMMENTS