Booliska Ingiriiska oo Baaraya Geerida Haweeeney Somali ah

Somalia, December 22, 2015-(Daljir)_ Baarayaasha Boliska Britain ayaa shaaciyey haybta Haweeney bishan December 11-dii u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray gaari Xamuul ah oo ku jiiray Waddo Isgoys ah oo ku taalla Degmadda Harlesden.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jirey Nadiya Gaangari ayaa la sheegay inay geeriyootay 45-daqiiqo kadib, markii uu gaariga jug siiyey,

Dhakhaatiirta Isbitaalka  Northwick Park Hospital ayaa la sheegay inay bishan 15-dii baaritaan ku sameeyeen Marxuumadda, waxayna shaaciyeen inay u geeriyootay dhaawacyo jajab ah oo ka soo gaaray Shilkaasi.

Marxuumadaasi oo 62 jir ahayd waxay deganayd Degmadda Paddington ee Gobalka England ee dalka Britain, waxayna Boliska sheegeen inaysan weli soo qabanin  Dareewalkii geystay shilkaasi.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com