Maalintii labaad ayuu galay Shirka la xisaabtanka laamaha Dowladda Puntland

Axad, Janaayo 03, 2016 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subaxnimadii 03-Jan-16 dib u furay shirweynihii isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Puntland oo maalintii shalay ahayd ka furmay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa maanta isugu jiri doona labo qaybood, qaybta koobaad oo ah hay’adihii aan shalay soo bandhigin wax-qabadkooda oo maanta soo gudbinaya iyo qabta dambe oo ah soo gudbinta Qorshe hawleedka Wasaaradaha ama Hay’adaha kala duwan ee Dawladda ee Sannadka 2016-ka.

Sidoo kale maalinta berrito ah ayaa qorshuhu yahay in lasoo afmeero barnaamijka isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda iyadoo lagu soo badhigi doono qorshe hawleedka sannadka 2016-ka ee Wasaarad iyo Hay’ad walba si loogula xisaabtamo sannadka oo socda ee 2017-ka.

Barnaamikan isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ayaa ah barnaamij kucusub geyyiga soomaaliyeed isla markaasina ay siweyn u soo dhoweeyeen shacabka reer Puntland meelkasta oo ay Joogaan.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com