Kenya oo Ciidamo badan keentay xadka ay la wadaagto Somalia

 

 

Khamiis, Janaayo 14, 2016 (Daljir) — Dowladda wadanka Kenya oo doonaysa inay adkayso ammaanka guud ee xuduudka ay laleedahay Soomaaliya ayaa lasheegay inay ciidamo dheeraad ah oo saraakiil u badan dhoobtay xuduudka ay laleedahay dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in saraakiil dheeraad ah lageeyey xuduudka Soomaaliya, kadib markii ay marar badan halkaasi kasoo gudbeen dagaalyahanada ururka Alshabaab oo Kenya dhib kageystey.

Duqa magaalada Fredrick Shisia ayaa shaaca ka qaaday in 100-sarkaal oo ciidamada difaaca Kenya ka tirsan la geeyay xadka sidoo kale waxaa kulasugan ciidamo bolis ah oo ka jawaaba ama sida deg dega ku howlgala si loo hakiyo weerara Al-shabab ay ka geesanayaan gudaha Kenya.

Gudoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo ay soo qabteen oo Al-shabab uga shakiyeen oo sirdoonka gacanta loo galiyay waxa kamid ah labo qof oo la sheegay in cunto ay u sideen dagalamayaal Al-shabab ka tirsan.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com