Sirdoonka Qaranka oo war ka soo saartay howlgal lagu soo qabtay nin u shaqeeya Shirkad Ganacsi

Sirdoonka Qaranka oo war ka soo saartay howlgal lagu soo qabtay nin u shaqeeya Shirkad Ganacsi

Iyadoo todobaadkii hore howlgal ka dhacay duleedka Muqdisho ay Ciidamada NISA ku soo qabteen koox la tuhunsan yahay inay maleegayeen dilal qorsheysan ayaa waxaa qeyb ka ahaa rag kale oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi.

Qoraal lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkii dhacay todobaadkii hore oo taariikhda ku beegneyd (11/7/2019) shaqsiga la soo qabtay uu u shaqeynayay shirkad ganacsi.

Lama sheegin magaca shaqsiga iyo shirkadaba ganacsiga uu u shaqeeynayay, hase ahaatee waxaa la sheegay in lagu tuhunsan yahay shaqsigaas u sahlida isu kala gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro ka waday magaalada Muqdisho.

“Sida aan kusoo gudbinay “Tweet” kii hore ee(11/7/2019), ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA

Inta badan qoraalada NISA ku soo daabacdo barta ay ku leedahay Twitter-ka ayay faah faahintooda ay aad u kooban yihiin, waana tan keentay in aan wax badan laga ogaan howlgalada NISA ka sameyso Muqdisho iyo hareeraheeda oo qoraal kaliya lagu ogaado.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com