Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo Kuxigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyay:
1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
2. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.
3. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.
4. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
***DHAMAAD***
COMMENTS