Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismidaamin ah oo galabta ka dhacay xarunta maamulka gobalka Banaadir,kaas oo u shir u socday guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir.
inta la hubo Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis Sabah Asad iyo Guddoomiyaha degmada waaberi Mahad Cilmi ayaa ku geeriyooday qaraxaas ismidaaminta ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoomiye Yariisow uu soo gaaray dhaawac culus, halka ay jireen qaar kale oo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo iyana la sheegayo in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.
Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay dhaawacyada ugu badan dadka wax ku noqday qaraxa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir.
Wixii ku soo kordha la soco
Diwaanka
Wararka daljir
COMMENTS