58,000 Caruur Somali ah oo Qarka u saaran Dhimasho

Somalia, 08, Febru, 2015 -(Daljir)_Madaxa QM ugu qaabilsan Arrimaha Gargaarka Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in ka badan 58,000 oo Carruur Somalia ah u geeriyoon karaan Macluul, haddii aysan helin Gargaar Degdeg ah.
 
“Heerka Nafaqo la’aanta, gaar ahaan carruurta dhexdooda waxay gaartay meel khatar ah, iyadoo ku-dhawaad 305,000 oo carruur da’dooda ka hooseyso shan sanno ay aad u fuuq baxeen” ayuu yiri Ergaygaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in Deegaannadda Waqooyiga Somalia, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland aad u saamaysay Macluul daran.
 
Digniintan ka soo yeertay QM ayaa ku so obeegmaysa iyadoo dalka Ethiopia ku habsadeen Abaarihii ugu xumaa muddo 30-sanno ah.
 
Ugu yaraan 10.2 million oo qof oo Ethiopian ah ayaa u baahan Gargaar Cunto, waxayna QM ka digtay inay tiradaasi sii laba jibaarmi doonto muddo dhowr bilooda gudaheeda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com