(Dhagayso) Faroole oo ka hadlay shirkii ay la yesheen Beesha Caalamka

Garowe, 10, Febru, 2016 – Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, wuxuuna sheegay inay ula tageen qoraal ka hadlay waxyaabaha la isku hayo ee khuseeya doorashada dalka Somalia 2016 ka dhacaysa. 
 
Farole, wuxuu tilmaamay in qoraalkooda ku muujiyeen in dowladda Somalia ku fashilantay hogaaminta dalka islamarkaana nidaamkan uusan ahayn mid la aqbali karo, maadama dowladda hadda Somalia ka talisa laga sugayay in dalka gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah, balse taa badalkeeda ku laabatay habka qabaliga ah ee laga soo gudbay. 
 
Shirka waxaa ku wehlinayay Siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay M. Kuxiggeenkiisii Cabdisamad Cali Shire.
 
Hoos Ka dhagayso codkii Faroole.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com