Shirkii Hobyo oo Wajigii labaad galay iyo Xildhibaano ku biiray (Sawiro)

Shirkii Hobyo oo Wajigii labaad galay iyo Xildhibaano ku biiray (Sawiro)

Shirka Nabadda Hobyo oo bishii hore ka furmay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ayaa wajigiisa labaad galay, iyadoo ay ku biireen Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka.

Inkastoo muddooyinkii u dambeeyay uu shirkan socday, hadana weli wax go’aan ah ama war murtiyeed lagama soo saarin, waxaana shirkan uu ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay dadaaladii uu Ra’iisul Wasaaraha ka waday Dhuusamareeb ee la xiriira dhismaha Maamulka Galmudug.

Sanetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Fiqi iyo Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku biiray shirka, iyagoo odayaasha iyo waxgaradka ka qeyb galaya kala hadlaya geeddi socodka shirkan.

Shirkan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda, lagana soo saaro war murtiyeed, waxaana la ogeyn sida go’aamada soo bixi doono sida uu u saameyn karo dadaalada lagu dhisayo Maamulka Galmudug ee hormuudka ka tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com