Madaxweyne Muuse Biixi“Col. Caarre waa dambiile Qaran”

Madaxweyne Muuse Biixi“Col. Caarre waa dambiile Qaran”

Kulan ay albaabada uxirnaayeen oo ay maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse BiixiCabdi,Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa waxaa looga hadlay xaalada gobolka Sanaag iyo dagaalka ka curtay gudaha maamulkaasi ee uu hormuudka kayahay korneel Caarre.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray sida ay madaxdu sheegeen go’aan dawladdeed, kaas oo ah In Col. Caarre yahay dambiile Qaran islamarkaana Odayaashiisa looga fadhiyo inay soo dhiibaan haddii ay soo dhiibi waayaana dawladda talaabo military ay ka qaadi doonto.

Dhanka kale Jabhada Dulmidiid ayaa iyana dalbatay in dulmiga ka jira deegaanada Soomaaliland laga wada hadlo xal u helistiisa balse ay iska dhaga tireen mamaulka Hargaisa.

Soomaaliland ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay ciidamo farabadan soo dhoobtay duleedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si ay duulaan ugu qaadaan Jamhada Caare.

Diiwaanka warka radio Daljir Qardho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com