Boossaaso, 21, Febru, 2016 -(Daljir)_Dowladda Puntland ayaa maanta War-sxaafadeed kasoo saartay wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka Somalia, kaasoo ay ku sheegeen inaysan qayb ka ahayn wax-ka-bedelka dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso 10 cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka Soomaaliya.
Puntland ayaa War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay inaysan raalli ka ahayn wax-ka-bedelidda ay guddiga Dastuurka Somalia ku sameeyeen cutubyada 4-aad, 5-aad, 12-aad iyo 13-aad, waxayna sheegeen in Cutubyadan Wada-tashi oo keliya wax looga bedeli karo.
Hadaba Xildhibaan Yaasin Cabdi Seed oo kamid ah Mudanayasha barlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arintan ,waxaana uu canbaareeyay dowladda Somaliya.
Dhagayso
COMMENTS