Muwaadin u dhashay dalka Kenya oo Bosaaso lagu dilay (dhegayso)

Muwaadin u dhashay dalka Kenya oo Bosaaso lagu dilay (dhegayso)

Muwaadin u dhashay dalka kenya una shaqaynayay shirkad Kaluumaysi ayaa lagu toogtay maanta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

waxaana dilka gaystay sida la sheegay nin ilaalo u ahaa oo ay ismaandhaafeen. Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay ninka falka dilka ah gaystay.

Dhanka kale hal askari ayaa ku dhaawacmay qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Bosaaso ciidamo amniga oo lug ku maray aaga Hotel Bosaaso.

Hadaba dilkan ninka Kenyaanka iyo qaraxa Bossaso waxaan ka waraysanay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud.

wariye Xasan Heykal ayuu u waramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com