Madaxweyne Farmaajo oo maanta u dhoofay dalka Jabuuti (Daawo)

Madaxweyne Farmaajo oo maanta u dhoofay dalka Jabuuti (Daawo)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarka Madaxweynaha ayaa ka dambeeyay markii uu martiqaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashada Madaxweynaha ayaa qaadaneyso muddo labo cisho, iyadoo kulamo gaar ah ay yeelan doonaa labada Madaxweyne.

Jabuuti ayaa olole xooggan ugu jirta Kursiga wareega ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo sanadkan ay ku tartamayaan iyaga iyo dalka Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com