Al-shabaab oo markale digniin udirtay ergada soo xulaysa baarlamaanka Soomaaliya (Akhriso)

Al-shabaab oo markale digniin udirtay ergada soo xulaysa baarlamaanka Soomaaliya  (Akhriso)

Ururka Al-Shabaab ayaa muddo toban maalmood ugu daray xilligii ay isku soo diiwaan gelinlahaayeen oday dhaqameedyada iyo ergooyinka soo doortay xildhibaanada dowladda federalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay kooxda Al-shabaab ku daabaceen warbaahinta ku hadashay afkooda ayaa lagu sheegay in mudadii loo qabtay ergooyinka oo ahayd 45 cisho ay kaga ekayd shalay oo Sabti ahayd , taariikhduna ay ku beegneed 01/1/1441 balse Xarakada Al-Shabaab ayaa go’aamisay in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro ergooyinka doonaysa in ay is diiwaangeliyaan.

Al-Shabaab ayaa ku macneeyay sababaha muddo kordhinta inay tahay codsi ka yimid qaar ka mid ah bulshada sida waxgaradka iyo hogaamiyeyaasha qabaa’ilka.

Mudadii 45ka cisho ahayd oo loo qabtay ergooyinka ayaa Al-Shabaab sheegay inay ka faa’ideysteen 635 xubnood kuwaasoo isugu jira qaar weli ku sugan deegaanada ay maamulaan Alshabaab iyo kuwo hore u gaaray deegaanadaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com