Garacad, 26, March, 2016-(Daljir)_Ciidanka amaanka Gobolka Karkaar oo hogaaminayey Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Gaashanle dhexe Ahmed Muuse Yuusuf “Jaqanaf”, isla markaana ku raad joogay firxadkii Al-Shabaab ee togga Suuj ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan 18-Shabaaba.
Kooxdan firxadka ah ayaa dhufeys ka galay shalay meel u dhaw Dhalin-baar oo ka tirsan Degmada Beyla, ayaa dagaal dhexmaray iyaka iyo ciidanka Puntland waxaa uu sababay dhaawaca 2-askari iyo mid kamid ah firxadka Al-Shabaab.
Kooxdan ayaa dhamaantood isa soo dhiibay, kadib markii ay arkeen cudada ciidama Puntland.
Weli Dowladdu kama hadlin dagaalka maanta dhexmray iyaka iyo Al-Shabaab.
COMMENTS