(DHAGEYSO) Odayaasha G Hiiraan & Madaxweynaha DFS oo Isku mari waayey wada hadalada

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in aysan waxba Natiijo ah ka soo bixin wada hadalo ay shaley iyo xalayba yeesheen Odayaasha dhaqanka ee gobalkaas & Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana Odayaasha Dhaqanku ay diideen dalab uga yimid dhinaca dawladda Soomaaliya oo ah in ay ka qeybgalaan shirka magaalada Jowhar.

Nabadoon Dacar Xirsi oo kamid ah Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in aysan waxba Natiijo ah ka soo bixin wada hadaladan, isagoo eedda oo dhan dusha ka saaray Dawladda Faderaalka.

Dacar wuxuu sheegay in ay u bahaan yihiin in uu gobalka Hiiraan la xaq iyo xaquuq noqdo gobaladda Soomaaliya, isla markaasna uu helo xaqa uu leeyahay oo ah in la gaarsiiyo halka ay gobaladaas maanta joogaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com