(Dhagayso) Gaagaab: Puntland waa tanaasuli kartaa, balse waxba kuma badalan-karto 4.5

Garowe, 28 – March – 2016 – M/kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay Puntland in ay awood buuxda u leedahay in ay ka tanaasusho mowqifkeedii 4.5, balse aysan waxba ku badalan-karin.
 
Mudane Gaagaab, waxaa uu sheegay qaddiyada Puntland ee 4.5 in aysan ahayn aragti ay Puntland qabto, balse ay tahay qaddiyad Mab’da ah oo reer Puntland oo dhan ay meel ka wadataagan-yihiin. Waxaase uu hadalkiisa raaciyay in wadaxaajoodka haddii daacad laga yahay la heli karo xal dhow.
 
Wariye Jamaal Faarax Aadan ayaa khadka taleefanka ku waraystay Mudane Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com