DHAGEYSO: Banaanbax looga soo horjeedo Shabaab oo ka socda magaalada Burtinle

War hadda naga soo gaaray magaalada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in ay banaanbaxyo ka socdaan gudaha magaaladaas, kuwaas oo looga soo horjeedo Ururka Al- Shabaab ,sidasna waxaa Saxaafada u sheegay Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Burtinle Siciid Cabdi Axmed.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dadweynaha iskugu soo baxay magaaladu ay cambaareynayaan falalka guracan ee kooxdaas, ayna sidaas oo kale ka xun yihiin dilkii Agaasimaha Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Siciid Cabdi wuxuu kaloo cadeeyey in ay ciidamada Amnigu si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada, gaar ahaana baraha Kontoraalada oo uu sheegay in ay si xoog leh u baarayaan gaadiidka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com