RW Kheyre oo la kulmay Dhalinyarada Magalada Baydhabo

RW Kheyre oo la kulmay Dhalinyarada Magalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa xalay waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Magalada Baydhabo.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehlinayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen),waxaana dhalinyarada ay kala hadleen kala Shaqeynta Amniga iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dhalinyarada kula dardaarmay inay Dhalinyaranimadooda dalka uga faa’iideeyaan,isla markaana ay garab istaagaan Maamulkooda Koonfur Galbeed doorna ku yeeshaan howlaha ka socda deegaannada Maamulkaas.

Kulanka kadib ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu socdaal kusoo maray wadooynka Waaweyn ee Magalada Baydhabo iyo goobaha Ganacsiga, iyada oo amniga Guud ee Magalada Baydhabo aad loo adkeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com