Muqdisho, 03 – March – 2016 – R.wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Oo Ay Wehliyaan Wasiirada Warfaafinta,Beeraha iyo Guddomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada muqdisho ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay wafdi heer qaran oo Yabooh lacageed gaarsiinaya magaalada Hargeysta, taas oo loogu talagalay in gargaar loogu fidiyo dadka ku waxyeeloobay Abaarta ku dhufatay Soomaaliland.
Wafdiga u Ambabaxay Soomaaliland waxaa kamid ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed C.kariim Gabeyre, Guddomiye Ku Xigeenka Heyadda Culimada Soomaaliyeed Sh Nuur Baaruud Gurxan, Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad iyo Masuuliyiin kale oo ka socda Ururada Bulshada Rayadka.
R.wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in lacag Halmilyan oo Doolarka Mareykanka ah ay dowladda Soomaaliya ku caawineyso Dadka walaalaha Soomaaliland ee sada ba’an u saameysay Abaartu, Wuxuuna Xusay in Dhaqaalahaasi ay ku deeqeen shaqaalaha dowladda,iyo Madaxda ugu sareeysa Qaranka Soomaaliyeed.
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir
COMMENTS