(Dhagayso) Cali Xaaji: Luggooyo wayn baa xukuumadda Gaas ay shacabka Puntland u gaysatay, waana nasiib-darro.

Garowe, 04 – April- 2016 – Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo u waramay Radio Daljir Goor-dhawayd ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay hishiiska Dawladda Federaalka iyo Puntland, waxaana uu caddeeyay in shacabka Puntland ay xukuumaddu ku ciyaartay kalsoonidii ay ku qabeen.

“Anniga waxaa iiga muuqata hishiiska in dowladdu ay kaantoroolayso xubnaha labada aqal, inta kale waa sheeko caadi ah oo aan macno badan samaynaynin, balse waxaa meesha ka maqan wixii la filayay, waad xasuusataan in Madaxwayne Gaas oo uu horay u sheegay in siyaasiyiin Fashilmay ay been sheegayaan, meeday balanqaadkii madaxwayne Gaas, waa nasiib-darro taariikhi ah, waxayna Puntland dhaawac wayn oo siyaasad ahaan, shacab ahaan, iyo sharaf ahaanba soo gaaray” Sidaasi waxaa yiri  Siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Waraysigaan waxaa la yeeshay Cali Xaaji Wariye Jamaal Faarax Aadan

Hoos ka dhagayso isagoo dhammaystiran.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com