Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo kulamo ka wadda Muqdisho

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo kulamo ka wadda Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka banaadir, ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (cumar filish). Ayaa maanta la kulmay xafiiskiisa qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku dhaqan degmooyinka gobolka banaadir.

Isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta maamulka gobolka banaadir iyo bulshada naafada ah.

Kulankan uu ku la kulmay waxaa goob joog ka ahaa. Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee gobolka banaadir. Kaas oo duqa magaalada Muqdisho uu warbixino quseeya xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba ka dhageestay hoggaanka golaha naafada qaranka.

Kuwaas oo sheegay iney dadka naafada ah u baahan yihiin daryeel gaar ah iyo iney helaan fursada lamid ah kuwa lasiiyo dadka lixaadkooda dhameestiran yihiin.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar filish) waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay garab istaaga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo iney helaan fursada wax ku-ool ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com