Kenya oo jawaab adag siisay Dowladda Jabuuti

Kenya oo jawaab adag siisay Dowladda Jabuuti

Dhawaan Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladda Kenya aan lagu aamin Karin amniga Gobolka xilli labada dowladood ay loolan ugu jiraan kursi ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,hayeeshee waxaa hadalkaasi ka jawaabtay dowladda Kenya.

Guddoomiyaha aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya oo asalkiisu Soomaaliya yahay ee Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in uu qalad yahay warka kasoo yeeray dowladda Jabuuti,isla markaana dowladda Kenya ay ka qeyb-qaadato amnniga dalal badan oo Afrikaan ah.

“Runtii ma aheyn hadalkaas mid aan ka filaneynay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti,Kenya in ka badan Afartan kun oo Ciidan ayaa dalka dibadiisa i nooga maqan,waxay Ciidamadeenu ka qeyb qaateen amniga dalalka,Somalia, Suudan, Sierra Leone iyo dalal kale iyo la-dagaalanka Kooxaha Argagaxisada iyo Burcad Badeeda ayuu yiri”Aadan Barre Ducaale.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha la xiriira muran badeedka xilligaan kala dhaxeeya dalka Soomaaliya ,waxaana uu sheegay in Arrintaasi ay hortaallo Maxkamada ICJ, hayeeshee ay rajeynayaan in wada-hadal lagu dhameeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay wadato Calanka Midowga Afrika,hayeeshee dowladda Jabuuti looga baahan yahay in si diblimaasiyadeed ay ku raadsato Kursiga ka mid ah Qaramada Midoobay oo ay ku wada loolamayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com