Taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla“ Ciise Tarabuun miyaa maanta dood lagakeenay inuu Alshabab yahay?

Taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla“ Ciise Tarabuun miyaa maanta dood lagakeenay inuu Alshabab yahay?

Taliye kuxigeenkii hore ee ciidamada Nisa Cabdala Cabdala ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in dowladda iyo Shabaab ay isku milan yihiin.

“Ciise Tarabuun miyaa maanta dood lagakeenay inuu Alshabab yahay? Taas Waxaa fiicanaan lahayd In wasiir Ducaale la weydiiyo? .

Waxaan ka sugaynaa Wasiirka inuu meel ku sheego ciise tarabuun? Yaa daayay? Yaa fududeeyay inuu dalka kaboxo oo kenya aado?

Maanta Waxaa u cadaatay Shacabka Somaliyeed inay kooxda Alshababka ah ee qabsaday NISA, ay ka dhigteen meel argagixisada laga dhoofiyo kadib markii ay ku guulaysteen inay dalka meelwalba geeyeen, xilli hore oo sanadkaan ah ayaan dadka lawadaagay xog sheegaysay In Puntland , Galmudug iyo Jubbaland loo dhoofiyay argagixiso isku miidaamiyay oo la hayo cadeymadoohaada!!!
Lkn dhibka jiraa Waxaa waaye yaa kaa akhrisanaya?
Xataa khaarijintii Eng Yariisow ayaa lawada ogyahay Sida loo maareeyay? Oo laba qof iska waraysan, kuwii si gaar ah isugu dayay inay baaris sameeyaana Waa tii lagu qarxiyay gaarigooda sida allah ha u naxariisto Dauud iyo lagu dhawacay Gen Dhoore allah ha caafiyo…

Waan sugaynaa dowladda waxay dadka ku qanciso dhoofinta Cise tarabuun..

Guddiga amniga iyo difaaca BF Waa inay qaataan doorkooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com