Xiliga uu dhacayo Caleemo saarka Madaxweynaha Jubaland oo la shaaciyay iyo Soomaaliland oo lagu casuumay

Xiliga uu dhacayo Caleemo saarka Madaxweynaha Jubaland oo la shaaciyay iyo Soomaaliland oo lagu casuumay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa sheegaya in Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dhici doono 9n maalinimada Arbacada soo socota.

Amaaanka magaalad ayaa aad loo adkeeyay waxayna ciidamada Jubaland magaalada ay ka wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.
Caleema saarka madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni, madaxweyne yaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo madaxda Xisbiyada Mucaaradka.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay wafdi u dirayso Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay ka heleen martiqaad Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xasan Heykal Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com