DHAGEYSO: Sanduuqa Madow ee Keydiya Xogaha Diyaaradaha dhaca oo laga helay Xeebaha G Mudug

Gaalkacyo May 7, 2016 Warar dheeraadh ah ayaa ka soo baxaya Aalad loo maleynayo in uu yahay Sanduuqa madow ee diyaaradaha Xogtooda Keydiya, kaas oo ku caariyey Xeebaha gobalka Mudug, gaar ahaana deegaanka Garacad ee gobalka Mudug.

Shaqsigii helay Aaladan oo la hadlay Radio Daljir ayaa u sheegay in ay ilaa hadda dawlado badan lasoo xariireen, wuxuuna cadeeyey in waxa uu hayaa uu yahay Aaladda keydisa Xogta diyaaraddaha inta aysan burburin, balse wuxuu sheegay in uusan garan karin shirkadda lahayd Keydiyahan uu hadda gacantiisa ku haya.

Geelle Ciraale Gaashaanle ayaa sheegay in ay gorgortan la gali doonaan dawladdaha lasoo xariiraya, ayna doonayaan in ay xooga saaraan sidii xogtan loo heli lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com