Madaxweyne Lafta-gareen oo Baydhabo ku laabtay (Sawiro)

Madaxweyne Lafta-gareen oo Baydhabo ku laabtay (Sawiro)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen oo Safar Qaatay Maalo Ugu Maqnaa Magaalada Muqdisho ee Casimada Dalka ayaa Maanta Dib ugu soo Laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, Safarka Madaxweynaha uu ku Tagay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa Ahaa Ka Qeyb-galka Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka Kaasi oo Maalmo Socday loogana Hadlayey tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa intuu joogay Muqdisho Waxa uu kulamo kala duwan la Qaatay Safiirada Safaaradaha Qatar, Maraykan, Jabuuti iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan Muhiimada kulamadaasna Waxay ahaayeen Sidii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed looga Tageeri Lahaa Arimaha Howl-galada, Dib u dhiska Ciidanka, Dardar gelin Mashaariicda iyo Shaqo Abuur loo Samaynayo Dhalinyarada Reer Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Baydhabo kuso Dhoweyey masuuliyiin ka kala socotay Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye.

So Dhoweyn ka Dib Wafdiga Madaxweynaha uu Hogaaminayey oo ay Qeyb ka ahayeen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Maaliyada, Dekedaha, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur galbeed iyo Xubno kale ayaa loo Gelbiyey Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka ee koonfur galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweynta wafdiga kadib Waxa uu ka Warbixiyey Xaaladaha Degaanada Koonfur Galbeed Maadama uu ahaa Kusimaha Madaxweynaha Waxaana uu Xusay in Naxariiste Eebe ku unkatay Qeybo kamid ah Deegaanada Koonfur Galbeed oo roobab ay dad kudiirsadeen ay da’een qeybo kamid ah deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo isna hadlay ayaa ka Warbixiyey Safarkii uu kutagay Muqdisho iyo Ka Qeybgalkii Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isagoo xusay in shirkaas uu Muhiimada gaar ah ulahaa Bulshada Reer Koonfur Galbeed Waxaana uu Sido kale Tilmaamay in Kulamadi uu lasoo Qaatay Safiirada Qaar ay ahaayeen kulamo looga hadlayey Sidii Mashaariic Horleh looga Hirgelin lahaa Gobolada Koonfur Galbeed.

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com