M/weyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la caleemo saari doono

JABUTI May 8, 2016 Inta badan Madaxda xiligan hogaamisa Siyaasada Soomaaliya ayaa hadda jooga magaalada Jabuuti, si ay uga qeybgalaan Caleema Saarka Madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ka dhisan oo dhan ayaa jooga Jabuuti, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Daneeyaasha Arrimaha Soomaaliya.

Caleema saarka ka dib warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro is arag siyaasadeed oo dhexmari doona hogaamiyaasha Siyaasada Soomaaliya, waxaana laga wada hadli doona arrinta hadda aad loo daneynayo ee doorashada dhawaan dhacaysa.

War ay heshay RADIO DALJIR ayaa sheegaya in ay jiraan Is aragyo Siyaasadeed oo dhexmaray Hogaamiyaasha qaarkood, gaar ahaana Madaxda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com