Boossaaso, June, 2016 – Afhayeenka dowladda Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa nasiib darro wayn ku tilmaamay in idaacaddu maalintii 4aad ay hwada ka maqan tahay sifo sharci darro ah
“Wallaahi annigu arrinkaan waxaan kala hadlay madaxwayne kuxigeenka, waxaana ku iri waa in sharuud la’aan idaacadda lagu fasaxaa, wuxuuna igu yiri waa tahay, waana laga wadahadlayaa, dowladdu wixii ay dhibsanayso waa in ay wada-xaajood ka gashaa, balse cabburin, xarig iyo handadaad wax la qaadan-karo ma’ahan anniga sida ay ila tahay” Sidaasi waxaa yiri Garaad Cali Ciid
Dhinca kale – Garaadku waxaa uu walaac aad u daran ka muujiyay in 18-sano kaddib dowladda Puntland aysan adeegsan sharciga, waxaana uu ku baaqay in dowladdu hay’adaha Garsoorka ay ku ixtiraamto shaqadooda.
Hoos ka dhagaso waraysi wariye Kooshin la yeeshay Garaad Cadullaahi Cali Ciid
COMMENTS