Dad ka badan 15- qof oo ku geeriyooday qarax kadhacay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho

Muqdisho, June , 30 – Inka badan 15- qof ayaa ku geeriyooday qarax subaxnimadii maanta oo Khamiis ah kadhacay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose.

 

Gaariga oo nuuciisu ahaa BL- ayaa waxaa lasocday dad shacab ahaa oo kusii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, waxaana ka badbaaday afar ruux oo kaliya oo gaariga lasocday.

 

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay , hase ahaatee ururka Al-shabaab ayaa horay qaraxyo u gelisay wadadan oo ay dhowr jeer oo hore waxyeelo kasoo gaartay ciidamo katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Radio Daljir

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com