Dowladda oo Ciidamo dheraad ah geeysay Magaaladda Dhuusamareeb

Dowladda oo Ciidamo dheraad ah geeysay Magaaladda Dhuusamareeb

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ah kuwa sida gaarka u tababaran geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug si ay qeyb uga noqdaan qorshaha xaqiijinta Ammaanka Dhuusamareeb.

Ciidankaan ayaa kala yimid Muqdisho iyo Gaalkacyo waana ciidanka sidda gaarka u tababaran sidda ay Radio daljir u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga.

Horay Magaalada Dhuusamareeb waxaa loo geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska ee sidda gaarka ah u tababaran.

Ahlusunna ayaa dhankeeda Magaalada ka wadda Hub Aruursi iyo abaabul Ciidan,maadaama labada dhinac ay doonayaan in ay hirgaliyaan qorshahooda doorashada Galmudug.

Diwaanka
Wararka Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com