Abuubakar Al-Baqdaadi oo meedkiisa badda lagu duugay

Abuubakar Al-Baqdaadi oo meedkiisa badda lagu duugay

Sadax masuul oo ka tirsan dowlada maraykanka ayaa sheegay in maydka hogaamiyihii hore ee kooxda Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi lagu duugay qaab waafaqsan shareecada Islaamka, ka dib markii lagu dilay weerar ay ka fuliyeen ciidamada Mareykanka dalka Suuriya sabtidii lasoo dhaafay.

dowlada mareykanka ayaa sheegtay in uu geeriyooday Baqdaadi ka dib markii uu isku qarxiyey Suunkiisa Qaraxa, isagoo ka cararaya ciidamadii raadinayay.

masuuliyiintan ayaan cadeeyn tafaasiisha meesha meydkiisa loogu sameeyey janaasada iyo mudada ay soocotay, waxayna intaas ay raaciyeen in diyaarad ay burburka jirkiisa  ku daadisay badda.

War shalay kasoo baxay wasaarada difaaca maraykanka ayaa lagu sheegay in ay ka takhaluseen burburka meydka Baqdaadi si waaafaqsan xeerarka u dajsan.

marka la eego qaabka soosha xun ee uu dhacay dilka Baqdaadi waxa meesha laga sarayaa in ciidamada mareykanku ay meydkiisa waafajiyeen diinta Islaamka, sidii ay sameeyeen ciidamada Badda mareynku ka dib dilkii hogaamiyihii hore ee Alqaacida oo sanakii 2011kii lagu dilay dalka Baakistaan.

meydka Binlaadin ayaa la dhaqay ka hor inta aan lagu kafmin maro cad waxana lagu aqriyey Quraan iyo nashiidooyin carabi ah.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com