(July 11 2016)-Ururka Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday deegaanka Laanta-Buuro oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkaani oo mudo saacado ah socdey ayaa waxaa lagu soo qaaday saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahin Aadan Naajax oo lahadlay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in 5 Askari Milatariga Soomaaliya looga dilay dagaalka islamarkaana Labo Gaari ay Shabaab Xerada ka qaateen.
COMMENTS