Iran oo sheegtay in ay heshay Ceelal Shidaal oo cusub

Iran oo sheegtay in ay heshay Ceelal Shidaal oo cusub

Dowladda Iran ayaa sheegtay inay heshay dhul ay baaxadiisu aad u weyntahay, isla markaana laga soo saari doono shidaal gaaraya 53 billion oo fuusto, si dhaqaalaha wadanka kor loogu qaado.

Hadalkan waxaa warbaahinta dowladda ka sheegay Madaxweynaha dalka Iran Hassan Rouhani, xili uu la hadlayey dadweynaha reer Iran.

Dhulka ay dowladda Iran sheegtay in laga helay shidaal ayaa ku yaala gobolka Khuzestan ee Waqooyiga dalkaasi.

””Waxaan u sheegayaa Aqalka Cad ee Mareykanka ee cuno qabateynta ku soo rogay iibka shidaalka iyo gaaska Iran, in shaqaalaha iyo Injineerada dalka ay awood u leeyihiin iibka 53 billion oo fuusto oo shidaal ah ayuu yiri” Madaweynaha Iran Hassan Rouhani,

Dowladda Iran ayaa ka mid ah wadamada ugu wax soosaarka badan ee dhinaca shidaalka iyo gaaska.

Iiran waa dalka afraad ee kaydka ugu ballaaran ee shidaalku uu ceegaago, iyadoo ceelka hadda la daah-furayo uu noqonaya kan labaad ee shidaalka. ugu badan uu ku Jiro.

Dalka Iran waxaa hore looga helay ceel shidaal oo uu ku jiro 65 bilyan oo fuusto.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com