DHEGEYSO-Soomaliland iyo dad shacab ah oo ku dagaalamay Sanaag.

Xiin_galool, July 16 2016  Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa bilaabay inay daandaansi kusoo galaan xuduudaha Puntland ee gobolka Sanaag, kadib markii ay shacab kula dagaalameen deegaamo hoosyimaada degmada Xiin_galool. 

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya tuulada Qoyan oo hoostimaada degmada Xiin_galool ee gobolka Sanaag, ay ku dagaalameen ciidanka Soomaaliland iyo dad shacab ah iyadoona uu hal qof halkaas ku dhaawacmay.  

Gudoomiyaha tuulada Qoyan oo hoostimaada degmada Xiin_galool ee gobolka Sanaag Maxamed Warsame Ciid, ayaa Idaacadda Daljir uga waramay arrimahaasi, wuxuuna xaqiijiyey inay yihiin shacab reer Puntland ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com